Make your own free website on Tripod.com

welcome to gobanimo

fanka iyo suugaanta

Home | Somaliland | bogga jacaylka | fanka iyo suugaanta | ciyaaraha | dhaqaalaha | waxbarashada | faallo | xayaysiiska

fadlan boggan waxaad ka helaysaa gabayo aad u muhim ah gaara ahaan hadii aad tahay arday dhigta sugsiga sare.

halkan waxaa ka helaysaa gabayada intaanu soo ururinay iyo inta soo socotaba. waa kuwan gabayadii ee gudoon wacan.
 
Faarax Nuur, "Arab"

Faarax Nuur wuxuu dhashay wakhti lagu qiyaaso 1860s; waxaanu dhintay horaantii 1930s. Farah Nuur wuxuu kamid yahay gabyaaga waaweyn ee Somalida. Inkastoo Farah leeyahay qaar kamid ah gabayada u xasiisisan dhinaca qabiilka iyo dagaalada sokeeye, haddana waxaa uu leeyahay kuwo uu sulux iyo nabadgelyada kaga hadlaayo.

Gabaygan waxa uu ku tilmaamayaa abwaanku xadka uu dulqaadku lee yahay ee bani aadamka loo samri karo.
  1. Rag sabaan ka sabaan baan,
2. Samaantuun badiyaa.

3. Haduu saakimi waayo,
4. Sariiraan u dhigaa,
5. Iska seexo idhaa.

6. Haduu saakimi waayo na,
7. Caanihii hasha Suub baan,
8. Saddex goor u lisaa,
9. Ku sarriigo idhaa.
10.Haduu saakimi waayo,
11. Sumalkii rugta joogay iyo,
12. Sogobkaan u qalaa,

13. Haduu saakimi waayo,
14. Siirigii Cadmeed baan,
15. Subaggawga badshaa,

16. Haduu saakimi waayo,
17. Gabadh suurad wanaagsan baan,
18. Surrada ugu dhisaa.

19. Haduu saakimi waayo,
20. Xoolo gooni u soofiyo,
21. Sadadaan ku ladhaa,
22. Haduu saakimi waayo,
23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
24. Salaantaan badiyaa.
25. Haduu saakimi waayo
26. Salaadaan lallabaa yoo
27. Meydal seedo madow iyo
28. Salligaan cuskadaa yoo
29. Sulub eebo ku joogtaan
30. Sarartaa ku dhuftaa
31. Sambabkaan ka baxshaa
32. Markaasuu sellimaa
 
Aakhiru Sabaan

Faarax Nuur, "Arab"


Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay. Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;
  Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e
Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye
 
Maxaa Iiga Gidhiisha

Maxamed Nuur Laangadhe.


Gabaygan 1943kii ayuu tirshey abwaanku.
Maadaama uu abwaan ahaa waxa ingiriiskii weydiistey inuu ka hadlo guulihii ingiriis iyo xulafadiisu ku hanteen dagaalkii labaad
  Mar hadaan gurigayga
gidhligaanka gariiriyo
Garnayl loola tagaynin
Iglan baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Weligay gees uma dhaafin
Bal maxaa laba gaal
oo abtirsiimo gudboon
Midkood aan u gumayn
Midna guusha u siin
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Waligay gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Mar haddaan ka gabyay
oon go'aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha

 
 
  Amaan Dumar

Maxamed Nuur Fadal (HJ)


1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso
2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye
3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e

13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho
17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto
18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo
20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa
28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

 
 
Xuseen Xasan (Ciidagale)
 

Xuseen Xasan wuxuu ahaa nin ku caanbaxay sifo kasta oo inan rag lagu majeerto. Wuxuu ahaa gabyaa, abbaanduule, geesi dagaal yahana, deeqsi, garyaqaaan iyo kuwo kaloo aan la soo koobi karin. Xuseen oo ahaa tiir ka mida Tiirarka suugaanta wuxu ahaa ninkii ugu horreeyey ee Erayga Suugaan u adeegsada gabay. Erayga suugaan kuma cusbayn afka Somaliga oo wuxuu lahaa dhawr macno oo kan ugu xoogga badani ahaa meesha biyuhu u shubmaan ee marka dhulka kale wada qallalo weli rayska leh ee ugbaadka laga daaqo oo waa tan jiilaalka la odhan jirey "Geelii reer hebel meel heblaayo ayuu suugaan ka daaqayaa". Eraygaas ayuu Xuseen ku soo koobay murtida Soomalida isagaana loo nisbeeyaa oo waakii gabay aanan hayn ku lahaa
Suugaanta maansada haddaan siinka ka hingaadsho

Beribaa Xuseen Xasan iyo niman kalaa is qabtay markaasaa Xuseen oon joogin uu Suldaankii gartii siiyey ninkii kale. Ninikii kale ayaa laga sheegaa isagoo malaha gabay Xuseen hore uga u tirshey ka jawaabaya inuu yidhi

Xuseenoow aduunbaa gabyee guuli kuma raacin.

Xuseen waxa laga sheegaa inuu yidhi "Suldaanoo maadaa sidaa yeelay" oo uu "Haa" kaga jawaabay. Xuseen halkii wax looga dugayey ayuu Suldaankii Suldaammada ee Ciidagale ayuu ku yidhi "Suldaanow inantaada was" oo waakii gabay ku lahaa

Waayan Suldaankii ku idhi hal an la eegayne

Gabaygan inta yari naga soo gaadhay waxa uu Abwaanku ka tirshey jail-ka Berbera oo uu ku xidhnaa isagoo fidmowalannimo malaha lagu soo eedeeyey. Xuseen sidaan hore u soo sheegnay lahaa sifo kasta oo nin ragi lee yahay waxa uu bayaaminayaa tilmaamahaas qaar ka mid ah oo uu lee yahay "toloow haddii aan meesha ka baxo oo xabsi la igu illaawo yaa i beddeli". Gabaygan ka dib ayaa Xuseen lo gurmaday oo xabsigii Suldaanku dhigay laga soo saaray.
MA DHAMMA GABAYGU

Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo
Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye
Soofaha lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye
Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane
Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane
An sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro


Si alliyo faduul baan ku imi sabadan xeebeede
Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha'e
Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye
Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxan sameeyaaba
Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo


Siyaaxey haddii lala tago ooy siigo kor u duusho
Halkii fuluhu seeraari jirey saajacnimadayda
suryadaan ka soo laaban jirey surinki yaystaagi

Geelaan silsiladda u ahaa sodihi yaa daajin
Dhalinyarada suudhada qabtaan soo sasabayaaye?
Saxal iyo mariiq baan ahoo waan u suuldhabi'e
Raggaan anigu seeteyn iqiin xadhigi yaw soohi

Haddii uu sokeeyuhu is dilo waa surdubo jaane
Gartaan qolo ku suuldaari jirey nimanki yaa saari

shir la seemay, khayliga la simay saaddanbiyo geedka
siraadkiyo bilbilahaan lahaa sare ayaw qaadi

Suldaankiyo cuqaashii miyaan sixin khabaarkayga
Isagaase xaajada sirgaxan saabadayn jiraye
Saaxiibkey Maxamuud miyaa seegay marinkiisa
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo

Mar haddaanse sahal lay furayn sabab la ii waaye
Soodaan madow hayga dhigo soonka dabadeede
Mase sed yara salaaddiyo intaan saxayo Tawxiide
Saaqayga ii keen Cabdoow samir allaa dhow'e

Xuseen xasan waxa isagoo 80 jir ah Ugaadeen aano ugu dilay geyiga CIID. Xuseen inta la qabtay isagoo oday ah ayaa loo geeyey ninkii beesha xukumayey. Waxa rag badanoo wax garad ahi isku raaceen in ay dhaqanka Somalida ku ceeb tahay in la dilo nin 80 jir ah maadaama uu tabar gabay oo aanu Daarood gacantiisa dib ugu ciili dooni. Wadaad ka mida beesha ayaa laga soo weriyey inuu sheegay in maadaama Xuseen hadli karayo uu afkiisu hub ka daran yahay halkaasaana lagu dilay Xuseen Xasan oo dabadii rag badan daraaddiis aakhiro loo dawiyey.
Xuseen lama soo koobi karo inta uu col geliyey Ugaadeen ee beelo dhan uu oodaha u rogey oo waa kii gabay uu tirshey ay ku jirtey;
Weli caday Bah Cawlooy ma jebin cududahaagiiye
Intaan Caliyo Haaruun ka diley ciiddan way tahaye

 
 
 
     
 

halkan waa qaybtii labaad ee gabayada ahayd. fadlan in asxaabtaada ah gaadhsii website-kan maadaaba aad ka faa iidaysanayso aqoon dheeraad ah .
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye"
Dir iyo Daabac

 

Waa maansaddii ugu horeysay Deelleyda, uuna tiriyey abwaanka weyn ee Maxamed X Dhamac "Gaariye"


Dig dheh deelka maansada
Tixo Dir iyo Daabaca
Isku duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu
Arrin waa la diga rogey
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimi
Cirka haadda duushaa
Ka duuduubte samadii
Waxa helay Dayuurado
Dejey baalashoodii
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaa
rag duraa ku soo baxay
Kuwa daafka fidiyiyo
Dablayaasha dhimanoow
Digtoonaada way kane


Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura


Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa


Afartaa docdaa mari
Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediiin


Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa


Afartaa docdaa mari
Tixdu way dagaal timi
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirada
Durba gumuci koowaad
waxay daartay nabarkiyo
waxa doogta ugu wacan
Dawadiise may gelin
Kuwa ararta daajiyo
ragbaan ula dan lee yahay
Deelleydu waa koow

 

Max'ed Ibraahim warsame "Hadraawi"
Hud-hud


Boqorkay huq iyo ciil
Hagardaamo lumisow
Hadimada kalgacalka leh
Cilmigii u hoydow
Heesaha baroorta ah
Halqabsiga jacaylkow
Hambalyiyo salaan iyo
Hibo iga guddoomoo

Kolley waan hubaayoo
Hawlihii addunyada
Heshay aayahoodee
Hal yar aan ku toydee
Jannadii ma hurudaa?
Hadh qabow ma jiiftaa?
Hoobaan ma gurataa?
Hablo Xuural-caynii
Sow kuuma heesaan?
Waxa aad la haysaba
Hoo kuma yidhaahdeen?

Wedka lama huraayee
Reer soo hayaamiyo
Hayin raran ma kulanteen?
Hor Illaahay adigiyo
Hodan maysku aragteen?
Ma is dhaafsateen hadal?

Bal maxaan haweenkiyo
Dumar ugu hilloobaa?
Ama kula heshiiyaa
Ugu hagar la'aadaa?
Sowtay hir beeniyo
Ku tuseen hillaacee
Hogol aan da'ayn iyo
Hanfi kuu aroorsheen
Hirwo kuu garaaceen
Hungo kuugu baaqeen!

Sowtay ku hawleen
Ku jareen halbowlaha
Haadaan ku koriyeen
Hore kuugu riixeen
Hogga kuu dabooleen
Hoos kuugu tuureen!

Sowtay ku heereen
Hengelaa ku saareen
Gudcur kuu hillaabeen
Ku dhigeen habaaskee
Cidla kaaga hoyden
Hororkiyo waraabuhu
Hilbahaaga jiiteen
Haadda iyo xuunshadu
Hanbadooda feenteen!

Waxaan ugu hamranayaa
Hooyaa ka dhalatoo
Naaskii habreed baa
Iga hiilinaayee
Wallee hawlahaan galo
Iyo heegantaan dhigo
Dumar lama haweysteen
Ragba ma hungureeyeen
Hanti lagama dhiibeen
Guri laguma hoysteen
Hadal lalama yeesheen!

Max'ed Ibraahim Warsame "Hadraawi"
Hooyo


Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.

Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Mar aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhoba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoogiyo
Ka hor taga daalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caaniyo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi biyo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweyntaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen weyn
Rag u wada hammuumee
Ishu calacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hubqaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa

Hooyoy la'aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay.

Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon

 

 

Enter supporting content here

 

website-kan waxa soosaara: maxamed muuse maxamuud

website-kan waxa tifatira: axamed ciise xasan(shariif)