|
halkan waxaa ka helaysaa gabayada intaanu soo ururinay iyo inta soo socotaba. waa kuwan gabayadii ee gudoon
wacan.
Faarax Nuur, "Arab"
Faarax Nuur wuxuu dhashay
wakhti lagu qiyaaso 1860s; waxaanu dhintay horaantii 1930s. Farah Nuur wuxuu kamid yahay gabyaaga waaweyn ee Somalida. Inkastoo
Farah leeyahay qaar kamid ah gabayada u xasiisisan dhinaca qabiilka iyo dagaalada sokeeye, haddana waxaa uu leeyahay kuwo
uu sulux iyo nabadgelyada kaga hadlaayo.
Gabaygan waxa uu ku tilmaamayaa abwaanku xadka uu dulqaadku lee yahay ee
bani aadamka loo samri karo. |
| |
1. Rag sabaan ka sabaan baan, 2. Samaantuun badiyaa.
3. Haduu saakimi waayo,
4. Sariiraan u dhigaa, 5. Iska seexo idhaa.
6. Haduu saakimi waayo na, 7. Caanihii hasha Suub baan, 8.
Saddex goor u lisaa, 9. Ku sarriigo idhaa. 10.Haduu saakimi waayo, 11. Sumalkii rugta joogay iyo, 12. Sogobkaan
u qalaa,
13. Haduu saakimi waayo, 14. Siirigii Cadmeed baan, 15. Subaggawga badshaa,
16. Haduu saakimi
waayo, 17. Gabadh suurad wanaagsan baan, 18. Surrada ugu dhisaa.
19. Haduu saakimi waayo, 20. Xoolo gooni
u soofiyo, 21. Sadadaan ku ladhaa, 22. Haduu saakimi waayo, 23. Seeddow, mood iyo mood iyo, 24. Salaantaan
badiyaa. 25. Haduu saakimi waayo 26. Salaadaan lallabaa yoo 27. Meydal seedo madow iyo 28. Salligaan cuskadaa
yoo 29. Sulub eebo ku joogtaan 30. Sarartaa ku dhuftaa 31. Sambabkaan ka baxshaa 32. Markaasuu sellimaa | | |
|
Aakhiru Sabaan
Faarax Nuur, "Arab"
Gabaygan
wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay. Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa
ee Faarax Nuur (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe Inna
faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan; |
| |
Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone Anse
ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye
Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene Anse
ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye
Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine Waa duni akhyaartii go'day oo
aaran soo hadhaye Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Waa duni
xaqii la arkayaa la arjumayaaye Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Afka
iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Nimanyahow
bal daya xaajada lala aguugaayo Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
Haddaa
niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e Hadduu Awrka dooxada ku furo eel
kalaa xigiye Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye | | |
|
Maxaa Iiga Gidhiisha
Maxamed Nuur Laangadhe.
Gabaygan 1943kii ayuu tirshey abwaanku. Maadaama uu abwaan ahaa waxa ingiriiskii weydiistey
inuu ka hadlo guulihii ingiriis iyo xulafadiisu ku hanteen dagaalkii labaad |
| |
Mar hadaan gurigayga gidhligaanka gariiriyo Garnayl loola tagaynin Iglan
baa gubanaysa Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa Weligay gees uma dhaafin Bal maxaa laba gaal oo
abtirsiimo gudboon Midkood aan u gumayn Midna guusha u siin Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa Waligay
gees uma dhaafin Inta aan wax gasiintiyo Intaan gaajo ku seexday Hadii aan isu geeyo Mala waa isku gow e Mar
haddaan ka gabyay oon go'aygiina ka qaatay Maxaa iiga gidhiisha | | |
|
|
| |
Amaan
Dumar
Maxamed Nuur Fadal (HJ)
1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga
dhaguugayso 2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye 3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6.
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. dhexda
madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda 9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
10. dhubbad qaadka timahaad
haldhaa dhalinki moodayso 11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag
noo dile'e
13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda 14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17.
ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto 18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso
19. kolkay socodka
dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo 20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe 21. dhaqan iyo adduun
lama hadheen dhogorta xoolaade
22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye 23. dhadhab igula looshiyo
hurdada dhool anoo ladaye 24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde
25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu
kaa dherere 26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya 27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa 28.
dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya | | |
|
| Xuseen Xasan (Ciidagale) |
| |
Xuseen Xasan wuxuu ahaa nin ku caanbaxay sifo kasta oo inan rag lagu majeerto. Wuxuu ahaa gabyaa, abbaanduule, geesi dagaal
yahana, deeqsi, garyaqaaan iyo kuwo kaloo aan la soo koobi karin. Xuseen oo ahaa tiir ka mida Tiirarka suugaanta wuxu ahaa
ninkii ugu horreeyey ee Erayga Suugaan u adeegsada gabay. Erayga suugaan kuma cusbayn afka Somaliga oo wuxuu lahaa dhawr macno
oo kan ugu xoogga badani ahaa meesha biyuhu u shubmaan ee marka dhulka kale wada qallalo weli rayska leh ee ugbaadka laga
daaqo oo waa tan jiilaalka la odhan jirey "Geelii reer hebel meel heblaayo ayuu suugaan ka daaqayaa". Eraygaas ayuu Xuseen
ku soo koobay murtida Soomalida isagaana loo nisbeeyaa oo waakii gabay aanan hayn ku lahaa Suugaanta
maansada haddaan siinka ka hingaadsho
Beribaa Xuseen Xasan iyo niman kalaa is qabtay markaasaa Xuseen oon joogin
uu Suldaankii gartii siiyey ninkii kale. Ninikii kale ayaa laga sheegaa isagoo malaha gabay Xuseen hore uga u tirshey ka jawaabaya
inuu yidhi
Xuseenoow aduunbaa gabyee guuli kuma raacin.
Xuseen waxa laga sheegaa
inuu yidhi "Suldaanoo maadaa sidaa yeelay" oo uu "Haa" kaga jawaabay. Xuseen halkii wax looga dugayey ayuu Suldaankii Suldaammada
ee Ciidagale ayuu ku yidhi "Suldaanow inantaada was" oo waakii gabay ku lahaa
Waayan Suldaankii
ku idhi hal an la eegayne
Gabaygan inta yari naga soo gaadhay waxa uu Abwaanku ka tirshey jail-ka Berbera oo
uu ku xidhnaa isagoo fidmowalannimo malaha lagu soo eedeeyey. Xuseen sidaan hore u soo sheegnay lahaa sifo kasta oo nin ragi
lee yahay waxa uu bayaaminayaa tilmaamahaas qaar ka mid ah oo uu lee yahay "toloow haddii aan meesha ka baxo oo xabsi la igu
illaawo yaa i beddeli". Gabaygan ka dib ayaa Xuseen lo gurmaday oo xabsigii Suldaanku dhigay laga soo saaray. MA DHAMMA GABAYGU
Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye Soofaha
lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane An
sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro
Si alliyo faduul baan ku imi sabadan xeebeede Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha'e Senge
dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxan sameeyaaba Anba waan ka soo saari jirey
saymo kii galaye Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo
Siyaaxey haddii lala tago ooy siigo kor u duusho Halkii fuluhu seeraari jirey saajacnimadayda suryadaan
ka soo laaban jirey surinki yaystaagi
Geelaan silsiladda u ahaa sodihi yaa daajin Dhalinyarada suudhada qabtaan
soo sasabayaaye? Saxal iyo mariiq baan ahoo waan u suuldhabi'e Raggaan anigu seeteyn iqiin xadhigi yaw soohi
Haddii
uu sokeeyuhu is dilo waa surdubo jaane Gartaan qolo ku suuldaari jirey nimanki yaa saari
shir la seemay, khayliga
la simay saaddanbiyo geedka siraadkiyo bilbilahaan lahaa sare ayaw qaadi
Suldaankiyo cuqaashii miyaan sixin khabaarkayga Isagaase
xaajada sirgaxan saabadayn jiraye Saaxiibkey Maxamuud miyaa seegay marinkiisa Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo
Mar
haddaanse sahal lay furayn sabab la ii waaye Soodaan madow hayga dhigo soonka dabadeede Mase sed yara salaaddiyo intaan
saxayo Tawxiide Saaqayga ii keen Cabdoow samir allaa dhow'e
Xuseen xasan waxa isagoo 80 jir ah Ugaadeen aano ugu dilay geyiga CIID. Xuseen inta la qabtay isagoo oday ah ayaa loo geeyey
ninkii beesha xukumayey. Waxa rag badanoo wax garad ahi isku raaceen in ay dhaqanka Somalida ku ceeb tahay in la dilo nin
80 jir ah maadaama uu tabar gabay oo aanu Daarood gacantiisa dib ugu ciili dooni. Wadaad ka mida beesha ayaa laga soo weriyey
inuu sheegay in maadaama Xuseen hadli karayo uu afkiisu hub ka daran yahay halkaasaana lagu dilay Xuseen Xasan oo dabadii
rag badan daraaddiis aakhiro loo dawiyey. Xuseen lama soo koobi karo inta uu col geliyey Ugaadeen ee beelo dhan uu oodaha
u rogey oo waa kii gabay uu tirshey ay ku jirtey; Weli caday Bah Cawlooy ma jebin cududahaagiiye Intaan
Caliyo Haaruun ka diley ciiddan way tahaye | | |
|
|
| |
|
| |
| |
|
| |
|
|