Make your own free website on Tripod.com

welcome to gobanimo

bogga jacaylka

Home | Somaliland | bogga jacaylka | fanka iyo suugaanta | ciyaaraha | dhaqaalaha | waxbarashada | faallo | xayaysiiska

waa maxay jacayl?

jacayl waa wax saameeya nolosha aadamaha si la ogsoonayhay qofka ku keeni kara waxyaabo khatar ah ama halis ah oo naftiisa waxyeelaynkara amaba dilikara sidii layla iyo qays cilmi iyo hodan ama.........

waa aabaha jacaylka

fadlan halkan waxaad ka akhrisataa gabayadii cilmi ismaaciil boodhari

Gardarniyaa

Gabaygan soo socda waxaa tiriyey abwaankii jacaylka Cilmi Boodhari wuxuuna kula hadlayaa Hodan tii uu jeclaa iyo naftiisaba. Hodan wuxuu leeyahay kaa joogi waayey oo kaa jiifu waayey waxaan kuula hadhayna ma jirto si walba kuula hadlay iina jixin jixi wayday. Markaa wuxuu leeyahay hadii ay caykaas tahay maxaan kuu dayn waayey een kuu daba socdaa?


wuxuu yidhi:

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene
Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Sidii aad go'aygii tahiyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye
Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay?
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye
Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye
Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye
Iyadoo gadiid u eg markaan Gu'ga kaxaynayo
Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka
Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda
Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo
Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye.

Hannaan Quruxsan

Gabaygani wuxuu ka mida ahaa gabayadii taxanaha ahaa ee uu Cilmi Boodhari kaga hadlayey jacaylkii uu Hodan u qabay. Gabaygan wuxuu Cilmi si gaar ah ugaga hadlay sida uu Hodan aduunyada hablaha jooga oo dhan uga doortay iyo quruxda Ilaahay uu siiyey.

Wuxuu yidhi:

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye
Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuum aaan tirsheen heesta caashaqa e

Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayee aan islahadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye
Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey
hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Imikuu u hees yidhi gab'dhaa taan hanteen rabaye
Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye

Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye

Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye
Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay-hayso
Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa
Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere
Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale'e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene.

Qariya Laabtiina

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee
Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane
Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye
Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane
Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina.

Caashaqa Haween

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii cishqiqa nuureiyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen ciirshe meesha iyo nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cudud waaxidahe
Waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyaane
Soomaalidaa caado xune cidi iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalay baan caqli tusaalayne

Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaye
Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma ciidaamkanaa jabinaya cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la'ii diidye
Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku cir-cadaayeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab darteede
Cududuhu ma naxaan qofkay talo ku ciirtaaye

Casharkay wadaadadu qoreen cudurkan go'i waayey
Cilmi dawo waliba doontay oo weyday cilinkiise
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu ciroobay.

HabSami


Ninba tuu ka hely buu gabdhaa Hodan ku sheegaaye
Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene


 

fadlan waxaad naga raaali ahaatan warbixintii jacaylka ahayd ee aanu idiin sii dayn jirnay oo maan cilid farsamo ku timiday markaa sidaa aawadeed .......................... marka maanta waxaanu idiinku buuxinaynaa maanso. waatane gudoon wacan
 
muxubo iyo kal gacal
Sidii madharka roobaad ama biyaha maagaad maankeyga deeqdoo manqaxiyo masruurkaan Milgooy kugu jeclaadee, mooshinkaan higsanayiyo mataantii jacaylkaay Milgooy midab suhuurleey muuqa roobladhaca iyo shamso lagu misaalyeey, waxaa tahay qof madani ohoo cishqigana matali kara masdarkaaga oo quraan malaayuunna loo hurin waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
Waxaad igaga mudantahay maskaxdiyo halbowlahoo waxaan kugu misaalaa Milgooy sidii mahiigaan mayay loo hanweynaa mirtidhexe-habeennimo maansheeyay dunidoo sii daayay maaxdii ama sidii man iyo ubax magool iyo dhir dooggeed, naftan kuu maqsuuddaan Milgooy maalin iyo leyl maaweelinaayaa mixnaddii jacaylkiyo mushkilaadka caashaqaa haddana murugo igu fura, waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
Magacaaga waa luul mareer karay la moodyeey sharaf lagu magoogyeey marna kuma illaawinoo maskan-kaad ku nooshahey ishu milicsaneeysaa sidii xarafka miinkaad maanka igaga qorantahay mahadhadiisa caashaqa Milgooy kuguma dhaafeen, adoo miyirka iga jecel inaan meela kala taga malaheygu ma aheyn balse waa marxalad qoran, marbey mucurti naga hari miiraalaha jacaylkana mirihii ka soo baxaan wada muudsan doonnaa macaaneey Insha'allaah marwadeydi baad noqon waad micigalooleyn waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
 
qurux abaheeday
Suleeqadaan jeclaayeey Samsam seedaheeygiyo sadriga iyo laabtaad sidii sadar ku taalaa socodkiyo tallaabada sanqaroorka dheeree Saaddir kugu maneystiyo simaha timaha joogaan dabeyluhuna seexshaan saanqaadka laafyaha iyo midabka soolka ah xubnahaaga simmanee Samsam meelna laga dhimin waa sharaf sammaawi ah oon salguurin waligeed siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Subax waa-baryaayiyo suud lagu ildoogsada sadar qaansaroobaad saymaha cadceeddiyo sagal lagu misaalyeey sabankii la joogaba sammo iyo quluub-furan farxad kugu salaamaa sabi yaad u qaaddaa sawjadiisa noqotaa saqdidhexe habeenkii sariir kugula seexdoo Simman kugu yiraahdaa saacaddii la joogaba suuraddaada daawadoo Samsam kula caweeyaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Sammirkiyo dulqaadkiyo asluub saa'id iyo sharaf Ilaah baa ku siiyoo sinji baad u leedahay waxaad iila simmantahay ood wali ka sidataa suudda-ubaxa-geedaha saxansaxa udgoon iyo waqal-seermaweyda ah, soddon magac u qalantooy saafi iyo xariireey gabadhaha sanadkan soo kacay Suulidaan ka doortaay jacayl sarakacaayaan laabta kuugu sidayaa cishqigina sidii dhaaf siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sameeyoo qurux kula sitaan jirin.
Sanca iyo Ameerkiyo Soomaali guudkeed Suudaan oon ku noolahay saxaraha galbeed iyo dhulkaloon sifeyn karin sahan dumar u aadoo bari ugu socdaaltagay mana saarin caymaha mid quroo sawracaaga ah ma sifraama calafkoo wuxuu Saaddir noo qoray marna seegi meynee sidaa uurka galiyoo ciidda sammo ku sii joog anna waan sabaalini naftaan sii sasabayaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Samsammeey kalgacalkii jacaylkaagi simmaneey igu noqoy sun iyo waran qalbigeeygaad surantahay daraaddaa ma seexdoo hurdada waan ka salalaa haddii ay sad iyo calaf Samsam inaga hiishaan sabi inaan wadaagnana suuroobi weeydaa sammo iyo wanaag baan huunno kugu sagootiyay hambalyiyo salaan iyo Siraad aayo nolol wacan dusha kuu suraayaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.

  
zamzam
Gacalooy afkaagiyo eegmadiyo jalleecada indhahaaga ugubyehey Geela aragtidiisiyo waxaa lagu asteeyaa sidii Faras araara ah Gammaan urisay Aaroo dareenkii ku idilyahay, sanka aalad gooni ah sunniyaha ku awlalan irbadkeeda hoosiyo bu'da unug-cadkeedii ayrishkiyo daboolkiyo aragsidaha oo kali agab lala hareerdhiga ma aan ilin intaan jiray, Ifkan aan ku noollahay indhaheygu mey qaban, Alloow aadan iil tagin innagoon aroos galin Oorideyda aad noqon.
Raxmooy aynigaa tahay abbaarkiyo garaaraha gacmahaaga ula dhabi sidoodii la eentiray amqaadka laafyaha dhaxda sidii aloolkiyo udub toosan oo kale, luquntaada geed agan arla dihin ku yaalliyo itaalkiisa Toowsigaa
huunno lagu inshaaraa, dibnahaaga ulaygiyo ustarkiyo madoowga ah midabkaaga oog-waa asalkiyo guduudka ah amma ubax shindhalad ohoo wali aan abaarsanin, Alloow aadan iil tagin innagoon aroosgalin Oorideyda aad noqon.
Gabdhihii Ambiyadiyo ka sokoow asxaabtii Raxmooy adiga oo kale Ifka hooyo mey dhalin uur laguma soo sidin lamma soo abaabibnin Aabba muu gardaadinin ragna Arad ummey noqon
timmaheeda muu arag araxdeeda muu dhugan Abwaan caashaq lamma jilin ugaasooy kummuu oran habeen muu agjiifanin umma uu abaalgudin Abboowana kummey dhihin, ammaantaada gacalooy ma idleynkaraayee Alloow aadan iil tagin innagoon aroosgalin Oorideyda aad noqon.
Ina-Aadan Deeqeey qurux aabbaheedeey indha-caashaqleeyeey ayaan iyo nin hood lahaad Raxmooy ubad u qaaddaa ood Arad xalaal iyo ilmasida u noqotaa, aqal kaala toosaa ballantaada oofshoo immin dhexe habeenkii timmahaaga alabsadee
oofaha ku seexdeen naasaha ibtoodiyo kuu salaaxa oogadoo adoo godol u agabdhigay neeftaada udugga leh sidii ila durdurayaan afkiisii ka buuxsada,
ujeeddadu waxey tahay jacayl baa i abbaaroo Raxmooy aawadaa baan dummar uga agaagee eraygeynu dhiganniyo axdigii ha eexanin Alloow aadan iil tagin innagoon aroosgalin Oorideyda aad noqon
Description of Product

 

raxmoooow
Rummaan mira ku yaaliyo Raanyar rays ku kobacdaay, Raxmooy adi la’aantaa raandhiis macaan iyo raaxa adduunyada reexaan udgoon iyo riix lagu qaboobaay waad I raalligalisoo rubddeyda deeqdee ha ragaadin caashaqa, raandhiis macaan iyo reer ma wada yagleelnaa labadii raxmaystee isku reeya waligood raaxaysta inanyahay Raxmooy reer nagaadi ah iyo raas rug iyo nabad Ruuney ma noqonnaa?
Waa roob da’aayee ku raaxaysa caashaqa! Raxmooy rammad haleela ah iyo riir addoo la ah ramashada ilmuhuu dhalay rayadii habeennimo sheedda kaa rummaystaa hadba kugu dul-reemaa, ragna doorki baan ahay adna raalliyaa tahay reer ladan ka timmidoo raaxa lagu barbaariyay, risiq waayi maynoo reerkeennu waa hodan anna rowle ma’ihiye Abwaan lala raaxaystiyo reer-bila ayaan ahay, ku raqiisin mahayee hadduu dookh run kaa yahay ragga lama laciifshee intaan soo rogaalcelin Raxma raalligali abid.
Waa roob da’aayee ku raaxaysa caashaqa! Roob soo onkaday iyo riix iyo dabayl iyo saxansaxa ruxmaysaay, ramaas rays ku naaxiyo sidaa tahay rug ubax badan ama ruun barwaaqa ah reydab wada magooliyo kayn biya ku raageen ruuxdaa ku jammatee ha rajminin jacaylkoo ha radeebin gacalooy, xayaatii rushee abid rammashada kalsoonida anna kamma riddoobine waxaan rabaa xabiibii ama aan raadin inanyahay innagoo israacnoo ku waarnaa rilliyo nabad.
Waa roob da’aayee ku raaxaysa caashaqa!
Midab kaaga Ruuney deegaanta roobkiyo rucub mira bislaadeen iyo waa kabdaha rogay amma Roobladhacoo kale Raxmooy lagu misaalaa, rakuubkii jacaylkiyo raaxadii nafteydaay Ribix adiga qayrkaa imma raalligalinine ayaa Raaxa-luuley Raxmooy Kenya kaa rara ruubkii Kismaayoo intuu roobku bari da’ay dhulku rays qaboow yahay rafaad iyo dhibtuna jirin reynreyn ayaan wacan aroos kula riyaaqaa. Waa roob da’aayee ku raaxaysa caashaqa!
Kala roon run iyo been ayaad Raaxa-luuley Rashiid Hibo u qaadaa riiraceeda Shaygoosh rogga Haarcad oo dihin raamaystay ubixii oo roob ku gaaciyay laba rogay xareeddii oo lagu raxmaystoo lagu raaca xoolaha oo riix udguun iyo rays iyo ugbaad wacan dadku wada riyaaqeen raxmad Eebba weeyee raalliyadii haweenkaay Raxmooy kula dalxiis-taga, oo kula rafiiqaa rafaad kaa ilaalshaa Waa roob da’aayee ku raaxaysa caashaqa!

website-kan waxaad kala soo xidhidhi kartaa
wixii intaa dheerna
                                  hillaac05@gmail.com
 

 

website-kan waxa soosaara: maxamed muuse maxamuud

website-kan waxa tifatira: axamed ciise xasan(shariif)