|
liontel
shifkada liontel waxay ku caanbaxday adeeg hufan iyo soowayn wacan iyo shaqaale ujajaban shaqadooda markaa liontel waxay kuugu
bushaaraynaysaa inay dib ubahayn kuugu samaysay dhinacyada telephone-ka iyo internet-ka waxay caan kutahay internet high speed
iyo telephone miimo jawaban oo codfiican kuna raali galindoona. waanasidan halka laguu jabiyay
siisicita.
yurub oodhan lines:1,500
australia lines: 1.500
usa & canada: 1,500
africa oodhan: 2,500
| | |
Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Passport-kii Kala Wareegay Xasan Waraabe Cadde In Mudo Ahna Ku Hayey
Saldhiga Dhexe Hargeysa ____________________________
Hargeysa (Gobanimo.tripod.com)--- Sida uu ii xaqiijiyey Xasan Waraabe Cadde laftigiisa oo aan shan maalmood ka hor kula
kulmay Magaalada Hargeysa, waxaa Passportkiisii kala wareegay Ciidanka C.I.D-da Somaliland, waxaanu ii sheegay Xasan Waraabe
Cadde in ay ka soo celiyeen 4 bishani April madaarka Hargeysa halkaasi oo uu uga sii safraayey Waddanka Dibaddiisa, isagoo
Xasan ii sheegay in ciidanku ku wergeliyeen Waaran ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta, ka dibna waxaa loo soo gudbiyey Saldhiga
Dhexe ee magaalada Hargeysa isagoo halkaasi ku xidhna muddo saacado ah balse markii danbe amar xagga sare ka yimid ayaa uu
ii sheegay in lagu sii daayo.
Xasan Waraabe Cadde
Mar aan isku dayey inaan la xidhiidho Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa oo uu ii sheegay Xasan waraabe Cadde
inuu ku soo oogay Kiis ah in uu yahay nin u matala Somaliya beesha Sportska adduunka isagoo ay maxkamaddu ku eedaysay inuu
yahay nin kharbudaad la dhex taagan Siyaasadda ciyaaraha ee Somaliland, Mr. Waraabe Cadde oo aan weydiiyey cidda uu ku tuhmaayo
ee sidani ku eedaysay wuxuu ii sheegay in Wasiirka Cayaarahu uu waraaq usoo diray xeer ilaalinta lagu eedaynaayo inuu yahay
nin u adeega Soomaaliya, balse marka aan weydiiyey inuu taasi ku lug leeyahay wuxuu ku jawaabay "jaaliyadda Somaliland oo
dhan ayaa markhaati iiga ah inaan ahay nin muwaadin ah oo Somalilander ah oo u heelan horumarka dalkiisa Hooyo".
Xasan Waraabe Cadde oo aan kula kaftamay inuu ahaa Nin aad ugu dhaw Qoyska Madaxtooyada aadna ay isku yaqaaneen Marwada
Madaxweynaha waxaa kelifay inuu wasiirku awood intaasi le'eg xabsiga kuugu taxaabo wuxuu Mr. Waraabe cadde iigu jawaabay inay
dhabtahay inuu aad ugu dhawa isla markaana uu aad u difaaci jiray siyaasadaha Marwada Madaxweynaha balse tani noqotay ayuu
yidhi nasiib darro balse loo baahanyahay samir, Mr. Waraabe Cadde oo aan weydiiyey inuu xafiiltan dhinaca Kursiga Cayaaraha
ah ama wasiirka ah uu dhex yaallay isaga iyo wasiirka taasina ay dhalin karto wakhtigani inuu wasiirku waddadasi kugu colaadiyey
wuxuu iigu jawaabay inuu qof weliba damac leeyahay balse aanu garnayn hadda jiritaanka arrintaasi.
___________________________ |
Waa In Madaxweyne Riyaale Guddi Saddexda
Gole Ah U Saaraa Dhacdadii Jeelka, Haddii Kale Waa In La Rumaysto Shakiga Jira
Faallo:
Cabdirisaq M. Dubad — Hargeisa, Somaliland — 5 April, 2006
Waxaa dhaqan iyo caado u noqotay Somaliland tan iyo intii Madaxweyne Riyaale majaraha u qabtayba in dhacdo naxdin lehba
lagu illaawo mid ka daran oo anfariir iyo Af-kala-qaad ah. Waxaadna mooddaa ama muuqata in Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisu
aanay dan ka lahayn dareenka shacabka iyo danniga sii kordhaya ee ay dadku ka qabaan daacadnimada maamulkiisa iyo su'aalaha
maan-gadka ku noqday ee ay iska weydiinayaan dhacdo kasta. Isla markaana, halkii uu ku shaqayn lahaa dareenka dadkiisa, ugana
jawaabi lahaa waxkasta oo madmadow kala dhexgelinaya isaga iyo shacbiga uu hoggaamiyo uu fahmay in xusuusta dadka reer Somaliland
ay tahay maalin gelinkeed iyo wax aan ka badnayn; dhacdo kasta oo la yaab lehna ay ku dhammaato laba ilaa saddex casho, taas
oo sida muuqata uu uga faa'iideysanayo in waxkasta oo dhacaa ay iska dhammaadaan, iyadoo aan waxba la iska weydiin.
Dhacdooyinka noocan ah ee midiba mid aamusiinayso waxay mar la bilaabmeen dilalka argagixisada ah ee lala beegsanayey hawlwadeenada
ajnebiga ah ee hawlaha samafalka dalka ka wadey, falalkaasi oo soo bilaabmay badhtamihii 2002, waxyar uun kadib markii Madaxweyne
Riyaale xafiiska loo dhaariyey, kadib geeridii Madaxweynihii hore. Waxaana dad badan qaadan waa ku noqotay dhacdooyinkan,
iyadoo waxa keliya ee Somaliland iibinaysey mudadii ay jirtey ay ahaayeen nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta dalka.
Marka laga yimaaddo dilkii muwaadin Ustareeliya u dhashay oo lagu diley Xaafadda Libaaxyada ee magaalada Hargeysa, isagoo
dalka u joogey arrimo la xidhiidha ganacsi iyo waxyar kadib, falkii niman dabley ahi isla xaafaddaas kaga afduubeen gaadhi
ay lahayd hay'adda WFP, oo aan sidaa loo dhaadin; waxa falkii ugu horreeyey ee argagaxa lahaa ka dhacay magaalada Boorame
5 Okt. 2003, markaas oo goor habeenimo ah weerar gaadmo ah lagu diley haweenay Talyaani ahayd oo hawlo samafal ka waddey magaalada
Boorame, iyada oo dadku ay is weydiinayaan sababta keentay dilkaas, ayaa Hadalkii ugu horreeyey wuxuu ka soo baxay Madaxweyne
Riyaale oo sheegay in dilkiisi uu yahay mid argagixiso oo ay fuliyeen kooxo argagixiso oo Islaami ah.
Waa markii u horreysey ee dadka Somaliland maqlaan in argagixiso joogto Somaliland. Mar kale ayay af kala qaad iyo yaab
ku noqotay dadka. Waxaana yaabka yaabkii noqotay in Madaxweynuhu hadalkan ku dhawaaqay iyadoo uu baxsaday gacan ku dhiiglihii
dilkaas fuliyey. Dhawaaqii xigeyna waxa uu ka soo baxay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi uu siiyey IRIN,
maalmo kadib, booqasho Madaxweyne Riyaale ku tegey Jabuuti ku sheegay in Somaliland ay ka hawlgalaan kooxo argagixiso ah,
isla markaana aanay deganaanayn inta Soomaaliya qasan tahay.
Xisbiyada Mucaaridka, mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo dad kale oo badan ayaa cambaareeyey hadalka xukuumaddu ku qiranayso
in dalka ay joogto Argagixiso iyo weliba hadalka Madaxweynaha Jabuuti, isla markaana dalbaday in baadhis heer qaran ah oo
lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo cidda ka dambeysey dilkaas. Waxaana dhashay dareen in dowladda Jabuuti lug ku leedahay falalkaas.
Hase yeeshee, Madaxweyne Riyaale ayaa noqday Afhayeenka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo si cadho leh uga jawaabayey cambaarayntii
loo jeediyey hadalka Madaxweyne Geelle iyo tuhumadii loo jeediyey Jabuuti.
Hase yeeshee, falkii xigey oo laba toddobaad kadib, 21kii Okt. 2003, lagu diley laba macalin oo Ingiriis ah, Magaalada
Sheekh, ayaa quusisay wax-kasta, isla markaana waxay noqotay in afka gacanta la wada saaro, oo dareen kasta oo jira la rumaysto
dhawaaqii Madaxweyne Riyaale ee ahaa in kooxo Argagixiso ahi dalka ka hawlgalaan.
Laakiin, waxaa iyana yaabka yaabkii ahayd in gacan-ku-dhiiglayaashii dilkaas geysteyna ay baxsadeen.
Iyadoo su'aalahaas oo dhami taagan yihiin, dareenka dadkuna cabudhsan yahay ayaa falkii xigey ee argagixiso ka dhacay jidka
isku xidha Hargeysa iyo Berbera, halkaas oo niman hubaysani ay jid-gooyo ku dileen haweeney Kenyaan ahayd oo u shaqaynaysey
hay'adda GTZ, ninkale oo Jarmal ahna ku dhaawaceen, 19 March, 2004.
Waxa haddaba nasiib wanaag ahayd in dadweynaha Tuulada Dhoqoshey ee hawdka Gobolka Togdheer ay iyagu isu abaabuleen inay
qabtaan gacan-ku-dhiiglayaashaas, taas oo ay ku guuleysteen. Inkasta oo uu markiiba soo baxay dareen in aanay xukuumaddu jeclayn
qabashada gacan-ku-dhiiglayaashaas haddana waxay noqotay markii u horreysey ee la qabto dadka geysanayey dilalkaas argagixiso.
Waxaa kale oo iyaguna falalkaas barbarsocdey labadii sanadood ee 2004 iyo 2005 dad kale oo iyagana mar kala duwan loo qabqabtay
eedaymo la xidhiidha hawlo argagixiso, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ku dhow 30 nin oo lagaga qabqabtay xaafadaha magaalada
Hargeysa, iyada oo lagu eedeeyey inay ka mid yihiin Ururka ONLF ee ku kacsan Itoobiya, isla markaana ay doonayeen inay weerarro
argagixiso ah kaga qaadaan Itoobiya gudaha Somaliland. Raggaas waxay xukuumaddu sheegtay in lagu soo tababaray Erateriya,
Somalilandna ay ka soo galeen dhinaca Jabuuti.
Hase yeeshee, mar keliya dhacdooyinkaasi baadhis buuxda oo madax bannaan laguma samaynin sida iyo qaabka ay Somaliland
ku soo galeen. Xukuumadda ayaa iyaduna falkasta ka dhigta wax iska caadi ah oo caalamka ka dhaca.
Falalkaas iyo Dhacdooyinkaas midba mid aamusiinaysey waxaa ugu dambeeyey falkii 26kii Bishii March ee ina dhaaftay ay Jeelka
Dhexe ee Hargeysa kaga daateen dembiilayaal iyo eedaysanayaal loo haystey inay qorsheynayeen ama ay dalka ka fuliyeen falal
argagixiso. Hase yeeshee, dhacdadani waxay noqotay mid aan sida dhacdooyinkii hore si sahlan loo liqi karin. Waxayna dadku
isweydiinayaan sida ay ugu suuragashay Maxaabiis loo haysto dilal argagixisonimo, khatarna ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka
Somaliland - sida xukuumaddu had iyo goor sheegto - inay goor makhrib ah si sahlan uga daataan deyrka adag ee Jeelka dhexe
ee Hargeysa? Sida ay ku heleen hub Baastoolado ah oo ay maxaabiistaasi ku haysteen qolka xabsiga gudihiisa, isla markaana
ay ku dagaalameen markii ay baxsanayeen iyo su'aalo kale oo badan oo jawaab u baahan?
Waxaa iyana yaabka yaabkii ah in maxaabiistaas baxsatay ay qabqabashadeeda qaybta ugu weyn ka qaateen dadweynaha xaafaddaha
la deriska ah Jeelka.
Waxaa jira dareen iyo shaki aad u weyn oo wada saaqay guud ahaan dadka reer Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa,
kaas oo wada saameeyey min haweenka guryaha jooga ilaa maqaamyada iyo marfushyada siyaasadda lagu falanqeeyo. Waxaana sii
kordhaya shakiga ah in Madaxda sarsare ee xukuumaddu ku lug lahayd qorshaha ay jeelka kaga daateen Maxaabiistaasi. Waxa kale
oo la rumaysan yahay in qaar ka mid ah maxaabiistaasi ay baxsadeen oo aan la qaban.
Madaxweyne Riyaale oo ay weriyayaashu u gudbiyeen su'aalaha ay dadku iska weydiinayaan dhacdadaas iyo dareemada ka dhashay,
markii uu sabtidii kula hadlayey Madaarka intii aanu u dhoofin dalka Yaman ayaa sidii caadada u ahayd ka soo qaaday dhacdadaas
jeelka mid caadi ah oo dunidaba ka dhacda.
Inkasta oo la sheegay in Madaxweyne Riyaale u diray Baadhista falkan Guddi ka kooban Labada Taliye ee Ciidamada Booliska
iyo Milateriga, Taliyaha CIDda iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa; ilaa iyo hadda ma jirto wax laga og yahay sida ay baadhistaasi
u socoto. Lama oga cid loo qabtay arrintan oo aan ahayn qaar ka mid ah askartii Ilaalada Jeelka ee galabtaasi ku qornayd waardiyaha.
Sidoo kale, ilaa iyo hadda dadka looma sheegin in la hayo raadka ciddii soo qorshaysay arrintan.
Waxa jira aamindarro badan oo ay dadku ka qabaan guddida la sheegay in loo saaray baadhista falka, kuwaas oo ay dad badani
rumaysan yihiin in aanay runta ka sheegayn arrinta, ama aanay kaba madhnayn. Waxaana soo yeedhaya dhawaaqyo lagu dalbanayo
in Guddi Qaran oo Saddexda Gole ka kooban loo saaro baadhista falkaas si gunteeda loo gaadho.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo dhowaan ka hadlayey xaflad qado ah oo ay isugu yimaadeen
Saddexda Gole ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka in Guddi Saddexda Gole ka kooban loo saaro baadhista
dhacdadaas, si meesha looga saaro ayuu yidhi wixii tuhun iyo shaki ah.
Hase yeeshee, waxaa muuqata in aan laga hoos qaadin. Golaha Wakiillada ayaan isaguna wax taageero ah siinin baaqa Guddoomiyaha
Guurtida, iyada oo ay jirto in xukuumaddu si weyn u dhibsatay baadhistii Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilladu ku sameeyey
dhacdadii Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Lama garanayo mawqifka Golaha Wakiillada ee dhacdadan, xubno ka tirsan Guddida Arrimaha
Gudaha iyo Nabadgelyada ee golahaas oo aan wax ka weydiiyeyna waxay sheegeen in aanay arrintaas waxba ka ogeyn.
Waxa muuqata in dhacdadana lagu aamusiinayo weerarka xukuumaddu u ku qaaday Golaha Wakiillada iyo xiisadda ay ka aloostay
shaqada ay ku guuleysatey Xaaska Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Aamina-weris. Laakiin, dhacdadan jeelku dadka inta la socotey
sidii wax u dhacayeen sanadihii u dambeeyey waxay ku biirinaysaa xog ay u dilleysan karaan tuhumada badan ee ku hareeraysnaa
ololaha xukuumaddu ku tilmaanay la dagaalanka argagixisada. Dadweynaha guud ahaan la yaaban sida arrintani u dhacdeyna waxay
ku baraarujinaysaa in aanay waxkasta u qaadan si daacadnimo ah, dhug badana ay u yeeshaan waxa hareerahooda ka dhacaya, dibna
u raad dhacayba.
Dareemada dadka taabanaya ama indhahooda soo jeedinayaa way badan yihiin dhinac walba. Tusaale ahaan, 26kii March oo ay
makhribkii Jeelka ka daateen Maxaabiistu, waxa gelinkii hore oodda laga qaaday oo laga siidaayey Xabsiga Dhexe 24 ka mid ah
29 nin oo muddo sannad ka badan ugu xidhnaa Jeelka dhexe ee Hargeysa eedo la xidhiidha inay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa
ONLF, isla markaana ay doonayeen inay hawlgalo iyo weeraro ka fuliyaan Somaliland. Raggaas oo xadhigooda loogu gubey Killilka
5aad ee Itoobiya inkabadan 40 gaadhi oo ah kuwa xamuulka qaada oo laga lahaa Somaliland iyo hantidii saarnayd, waxa sii deysey
Maxkamadda Sare oo sheegtay in wax caddaymo ah loo waayey arrimihii lagu soo eedeeyey raggaas. Waxaana la rumaysan yahay in
siideynta maxaabiista ONLF ay xukuumaddu ku lug lahayd, iyada oo Golaha Guurtida iyo Salaaddiintu ay marar badan kala hadleen
Madaxweynaha arrintaas oo sababtay khasaare badan iyo colaad dhexmarta beesha taageerta ONLF ee Itoobiya iyo beelaha Somaliland
ee xuduudka ku taxan.
Waxaa xusid mudan in Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranku uu is hortaagey go'aan hore oo Maxkamadda Sare ku soo saartay in
oodda laga qaado maxaabiistaas, kadib markii ay burisey xukunkii Maxkamadda Gobolku ku ridey. Waxaana is-weydiin leh waxa
isku maalin ka dhigay siideynta maxaabiista ONLF iyo baxsashada maxaabiistan kale ee ay isku kiiska yihiin?
Waxa iyaduna jirta oo dareemada soo baxay ka mid ah in Madaxda Sare ee qaranku ay ka cabanayaan tahdiid iyo hanjabaado
la sheegay in iyaga iyo qoysaskooda ay kaga imanayaan kooxo argagixiso ah oo ay isku xidhan yihiin maxaabiistan loo haysto
argagixisada, kuwaas oo ka dalbanaya in la siidaayo maxaabiistaas, haddii kale ay ku kici doonaan aargudasho.
Si kastaba wax ha u jireen Madaxweyne Riyaale iyo golayaasha Baarlamaanka looga fadhiyaa inay Guddi wadajir ah oo lagu
kalsoonaan karo u saaraan baadhista dhacdadii Jeelka, si dadka looga saaro wallaahowga iyo werwerka dhacdadani gelisey xasiloonidooda
iyo sidoo kale shakiga badan ee ay abuurtay. Waxaa waajib ah in Madaxweyne Riyaale ogolaado, isla markaaa u furo baadhista
dhacdadan Guddi wadajir ah oo ka kooban saddexda gole, si dadka loo qanciyo. Haddii kale, waxa lagama maarmaan noqonaysa in
la rumaysto tuhumada jira iyo dhammaan tuhumadii iyo shakiyadii ka dhashay dilalkii shaqaalaha gargaarka iyo guud ahaan arrimaha
argagixisada. Taas oo noqon doonta mid aan la iskaga hadhin, balse lagu xisaabtamo wakhti ay noqotoba.
MADAXWEYNE RAYAALE IYO WEFTI UU HOGGAAMINAYO OO SAAKA U
BAQOOLAY DALKA YEMEN.
Madaxweynaha Yemen oo qasarkiisa ku
qaabilay madaxweyne Dahir Riyaale
gobanimo.tripod.com=
SANCA, 3 April 2006--Madaxweynaha Dalka Yemen Mudane, Cali Cabdalla Saalax ayaa maanta 11:00 duhurnimo, Qasriga
Madaxtooyada si kalgacaltooyo leh ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Weftigiisa, oo shalay 11:00 duhurnimo booqasho hawleed
ku yimid magaalada Sanca oo uu roob ka da’ay, Sidaa waxa yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray Afa-yeenka Madaxweynaha
Cabdi Idris Ducaale.
Kulan 90 daqiiqo qaatay, labada Madaxweyne iyo Wasiiradii la socday, ay wada hadallo ku yeesheen, ugu horrayntii Madaxweynaha
Yemen Mudane, Cali Cabdalla Saalax waxa uu uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland cafiskii uu u fidiyey doonyaha Yemen, iyo
ajiibidii martiqaadka uu fidiyeyi.
Madaxweyne Rayaale waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Yemen Mudane, Cali Cabdalla Saalax, martiqaadka iyo sida loogu
soo dhaweeyay dalkan isaga iyo weftigii weheliyey, intaa kadib wada hadaladii halkaa lagu yeeshey, arrimaha Siyaasadda ka
sokow, waxa labada dhinac ay isla garteen sii xoojinta, xidhiidhkii qadiimiga ahaa ee labada shacbi ka dhaxayn jiray ee dhinacyada
ganacsiga iyo dhaqanka, sidaasi awgeed Xukuumadda Yemeni waxay ogolaatay,
1. Xafiiska aynu ku leenahay Sanca mid la mida ah inay Hargeysa ka samaystaan, si ay u fududeeyaan iswaydaarsiga ganacsiga
iyo isu socodka.
2. Arrimaha Ganacsiga iyo Kalluumaysiga waxay ogolaadeen in nidaam sharci lagu macaamillo, arrintaasi oo heshiiskeeda ay
isla diyaarinayaan Wasaaradaha labada dhinac, si loo dhammeeyo inta weftigu aanu bixin.
3. Tallaalka Lo’ada oo dhibaato ka taagnayd iyo Dhibaatadii gaadiidka badda ka labadaba waa la xalliley
4. Deeqo waxbarasho, oo aynu codsanay gaar ahaan kulliyadaha Science, Caafimaadka dadka, xoolaha, Badda, Isagaadhsiinta
iyo injineeriyadda iyana waala aqbalay. Tirada ardayda iyo kulliyadaha waxa maanta loo saaray guddi labada dhinac ah oo hawshoodu
aroorta ka bilaabaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
5. Waxa Xukuumadda Yemeni ay ballan qaadeen in maalqabeenadooda ay ku dhiirigelin doonaan maalgashiga Somaliland,
6. Iskaashiga Nabadgelyada Badda Cas iyo gacanka cadmeed iyo iska jiridda in lagu aaso khashinka wershadaha iyo wixii sadheynaya
badaha.
7. Waxa kale oo ay ogolaadeen Madbacad buugaagta dugsiyada daabici doonta.
Qodobadan iyo guud ahaanba arrimaha weftiga Madaxweynuhu ay ka rabeen Yemen waxa shalay gallinkii dambe kullan fadhi ah
ay iskula gorfeeyeen guddi farsamo oo labada dhinac ah, maantana Qodobadii shalay la isla meeldhigay ay Wasaaradaha ay khusayso
ay kala shireen Wasaradaha inaga ah dhigooda iyo Masl’uuliyiintii ka socotay rugta ganacsiga sida Wasaradaha Kallumaysiga,
Ganacsiga iyo Xoolaha
Xalay waxa la kullan la yeeshey Wakiilada Ganacsiga Xoolaha iyo Ganacsatadaba Wasiirada iyo Madaxdii Rugta Ganacsiga si
loo ogoaado dhibaatooyinka haysta oo loogu darro arrimihii labada dawladood ay maanta ka hadlayeen kuwasii oo uu ogolaaday
xallintooda Madaxweynaha Yemeni Cali Cabdalla Saalax.
Maanta Qado sharaf ayaa Dawladda Yemeni ay weftigu u sameeyeen, gallinkii damabana Madaxweyne Xigeenka Dalkan ayey kullan
shaqo la yeesheen.
Weftigaasi hawlahooda waxay soo gaba gabeyn doonaan Arbacadda, Khamiistana dalka ayey u soo amaba bixi doonaan.
Har(HRG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Sanca
ee xarunta wadanka Yemen halkaas oo ay uga bilaabantay booqasho laba Maalmood ahi.
Madaxweyne Rayaale oo qolka martida ee Madaarka Hargeysa Saxaafadda kula hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha
Yemen ka helay martiqaad rasmi ah waxaanu yidhi, “Horta Saaka waxaan tagayaa Yemen oo runtii ah dad aynu jaar nahay
oo xidhiidh badan oo dhaqan inaga dhexeeyay islamarkaana ah dad aynaan kala maarmi Karin. Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla
Saalax ayaa martiqaad ii fidiyay, ujeedada ugu weyn ee aan u tagayaana waxay tahay xidhidhka jaarnimo ee ganacsi iyo arrimo
nabadgelyada ku saabsan, waxaanu safarkaygu qaadanayaa laba Maalmood.”
Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay bal inay Madaxweyne Cali Cabdalla isla soo qaadi doonaan arrimaha Soomaalida oo uu aad
ugu mashquulsanaa sannadkii u dambeeyay waxa uu yidhi, “Horta arrimaha Soomaalida isaga oo keliyi kuma jiro ee Carab
iyo adduunka oo dhami way ku jiraan Cali Cabdalla Saalaxna kuwaas ayuu ka mid yahay laakiin anigu waxaan kala hadlayaa wixii
Somaliland iyo Yemen dhex maraya.”
Mar la weydiiyay bal inuu kala hadli doono arrimaha Xoolaha Somaliland waxa uu yidhi, “Xoolaha, dhaqaalaha iyo kalluumaysiga
badda in wixii ay inooga baahanyihiin sifo sharci ah aan uga wada hadalno, Nabadgelyada badda oo inaga dhaxaysa oo mid waajiba
ah waanu ka wada hadlaynaa iyo wixii kale oo haddii ay wax ina tari karaana waan weydiisanaynaa”
Madaxweynaha oo la weydiiyay bal fikirkiisa ku waajahan qaddiyadad shaqo ka joojinta Marwo Aamina-weris waxa uu yidhi,
“Horta diidmadaas annagu xukumad ahaan wax aanu diidnay imikana leenahay hala diido ma jirto run ahaantii, laakiin waxaad
ogtahay labadayada gole [Xukuumadda iyo Wakiilada] xoogaa kelmado ayaanu isku tuur-tuurnay ujeedadeeduna waxay ahayd shaqada
aan kala leenahay aan kala marno laakiin ceeb kala oo aan u jeednay ma jirto. Waxaan leeyahay taas[Jawaabtii Wasiirka Warfaafinta
ee go’aankii Golaha Wakilada] haddii ay goluhu si kale u turjunteen raali haka ahaadaan, waayo labada gole way wada
shaqayn doonaan masuuliyad qaran ayaa na wada saaran marna khilaaf ku wada shaqayn mayno ee wax kasta waanu ka heshin doonaa
shirgudoonkana waanu iska aragnay, Inshaalaahu arrimahayaguna xagga fiican ayay u socon doonaan, iyada[Aamina-Weris] iyo muwaadiniinta
kale xaqa ay leeyihiin cidi isma hortaagi doonto.’
Madaxweynaha oo la weydiiyay bal in safarkiisan Yemen salka ku hayo safar uu toddobaadkii hore Sanca ku tagay Madaxweynaha
Puntland Cadde Muuse waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland aniga oo ah ayaanu Cali Cabdalla Saalax wada hadalnay iskumana
dafirsanin dadkana khasab kuma lihin inay ina ictiraafaan laakiin waxa mar kasta inoo taala inaan danaheena ka hadalno.”
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu dawladda Yemen kala hadli doono Doonyo Somaliland qabatay dhawaan
oo Yemen laga leeyahay kuwaas oo si sharci darro ah uga kallumaysanayay badda Somaliland waxa uu ku jawaabay, “Horta
Cafis ayaan doonyahaas u fidiyay li xusni niya..si aan niyad wanaagsan ugu muujiyo oo jaarnimadeena u hagaajisano awalna waan
u fidin jirnay oo iyaga oo aan ina weydiisan ayaan iska fasixi jirnay mana aha markii u horaysay ee aan qabano marar hore
oo aan qabanayna way jiraan.”
Madaxweynaha oo la weydiiyay bal hadda inuu Cali Cabdalla Saalax kala hadli doono inuu joojiyo hub lagu eedeeyo inuu siiyo
Cabdillaahi Yuusuf si uu u wiiqo awooda hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya waxa uu yidhi, “Horta anigu faaladaas geli
mayo taasna adigaan kuu daynayaa laakin wixii danaheena inaga ku saabsan iyo wixii nabadgelyadeena ku saabsan ee aan nabadgelyadeena
waxba u dhimayn kolay waan kala hadli doonaa.”
Mar Madaxweyne Rayaale la weydiiyay bal hadda waxa uu ka odhanayo Weerarada Maamul goboleedka Puntland maalmihii u dambeeyay
ku soo qaadayay deegaano Somaliland ah oo uu dagaalna dhex maray beelo reer Somaliland ah oo bariga Sanaag degen waxa uu yidhi,
“Dee inaguna waynu joognaa meesha oo kama maqnin.”
Madaxweyne Rayaale oo ay safarkiisa ku weheliyaan Wasiirada Ganacsiga Md. Nuux Sheekh, Kaluumaysiga Md. Maxamuud Maxamed
Faarax (Oday), Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris, xubno ka socda Rugta Ganacsiga, Md. Rashiid Xaaji
Cabdillaahi oo ah shakhsi madaxbanaan balse Wasiirka ganacsiga ka soo qabtay xukuumadihii hore iyo Saraakiil ka tirsan
Madaxtooyada.
Roobabkii Gu'ga Oo Ka Curtay Gobolada Hargeysa Iyo Awdal
Hargeysa (gobanimo.tripod.com) Waxaa roobabkii Gu'gu ka curteen Gobolada Hargeysa iyo Awdal, Maanta Gelinkii danbe mar
aan khadka Isgaadhsiinta kula xidhiidhay Magaalada Gabiley ayaa Weriye halkaasi ku sugna wuxuu ii xaqiijiyey in roobab fiican
oo lagu diirsaday ay xallay iyo saaka ay ku hooreen deegamada iyo tuulooyinka Degmada Gabiley, Magaalada Togwajaale ayaa wararku
waxay sheegayaan in roobabka halkaasi ka da'ay ay ballayada iyo baraagahu ay si fiican u biyo dhigeen, Magaalada Gabiley ayaa
iyadana roob fiican oo dhulka biyo wadhay uu maasheeyey, sidoo kale Magaalada Arabsiyo iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa laga
soo sheegaya roob fiican oo dadka jiidahaasi ku doogsadeen, magaalada Hargeysa ayaa iyaduna cirka daruurahu hooreen, wallow
aanu roobku dhibcin, balse Saaka waabarigii hore ayaa shuux yari ka qaaday
Sidoo kale mar aan la xidhiidhay Cabdinaasir Maxamed Yuusuf oo ah nin ganacsade ah oo ku sugan Magaalada Boorama ee gobolka
Awdal ayaa ii xaqiijiyey in roobab fiican oo dadka gobolka Awdal ay ku diirsadeen ay maansheeyeen jiidaha Dilla, Lughaya iyo
Degmada Lawyacado, Wuxuu cabdinaasir ii xaqiijiyey in roobab aad u waaweyn oo dabaylo wata ay ka da'een dhammaan jiidahaasi
oo abaar ba'ani todobaadyo ka hor ay saamaysay, Wuxuu intaasi ku darray in dabaylahaasi aanay cidna waxba ku noqonin, balse
dadku aad ugu doogsadeen, xoolo badana ay si fiican uga cabayaan ceelasha iyo baraagaha jiidahaasi.
Waxaa muddooyinkani danbe dadka ku dhaqan gobolada Somaliland la soo darsay abaar ba'an oo dad badan ku keliftay inay ka
soo hayamaan goobahii ay ku noolayeen, xoolo badanna ay u le'edeen, iyadoo Xukuumadda iyo ganacsato muwaadiniin ahi ay ka
bilaabeen gobolada qaarkood biyo dhaamis, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo aan saaka kula kulmay xafiiskiisa
ayaa ii sheegay in Xukuumaddu ay biyo waddo dedaal ay biyo ugu dhaaminayso kumanaan kun qof oo ku tabaalaysan Hawdka Gobolka
Hargeysa iyo gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, dadkaasi oo la gaadhsiiyey maalmahii ina dhaafay booyado biyo ah.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo Oo Galabta Lagu Soo Dhoweeyey Hargeysa
Hargeysa (gobanimo.tripod.com)-- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa galabta ku soo
laabtay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Muddo 2 bilood iyo badh ah oo uu dalka dibaddiisa ku maqnaa.
Mudane Siilaanyo oo ay ku soo dhaweeyeen Madaarka Egal Intl Airport madaxda iyo saraakiisha Xisbiga KULMIYE oo ay ka mid
ahaayeen Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiiladda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad
ee Xisbiga KULMIYE Mudane Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo dad weyne badan ayaa guddoomiyahu wuxuu
usoo dhaqaaqay qolka nasashada oo uu Warbaahinta ku siiyey xog waraysi kooban.
Mudane Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu war fidiyeenada u sheegay in socdaalkiisani oo qaatay muddo 2 bilood
iyo badh ah uu u badnaa arrimo shakhsi ah, isla markaana ay jireen hawlo caam ah oo uu ka qaybqaatay.
Wuxuu sheegay Mudane Siilaanyo inuu uga qayb galay Somaliland shirar caalami ah oo ka dhacay waddanka Britain, sidoo kalena,uu
la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Waddanka Ingiriiska.
Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo, waxa la socotey xaaskiisa, Marwo Aamina Sh. Maxamed (Aaminaweris).
Waraysigii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE warbaahintu la yeelatay sida ugu dhakhaha badanleh ayaan idiinku soo gudbin doona.
------------------------------------------------------
Somaliland Forum is an independent Diaspora think-tank that advocates
for the Sovereignty, Democracy and socioeconomic development of the Republic of Somaliland . We work with Somaliland communities,
supporters, governments and NGO's. For more information please contact: Chair: mate_2@hotmail.co.uk or Media: sfmrgroup@yahoo.com
Warsaxaafadeed :Arinta shaqo ka Fadhiisinta Mujaahidad Marwo Amina Weris
waxay Tijaabo weyn u tahay Rajadii laga qabay Baarlamanka Cusub
SDWO (Press Release 28th March 2006) (Soomaliland Democracy Watch Organisation) Somalidu marka ay arkaan wax ka yaabiyay
waxay odhanjireen Halkaygaan ku sugayey. Maanta in muwaadiniinta weliba soo halgantay loogu diido shaqo figraday
aaminsanyahiin ama xisbigay taageersanayeen darteed sida Aamina Millgo oo kale halkaygaan ku sugayey.
Arimahan ay xukuumada Somaliland ku talaabsatay waxay u saansaan egyahiin cabudhiskii iyo cadaadiskii taliskii hore ee
siyaad bare uu kaga tagoorijirey dadkii ka soo jeeday gobolada waqooyi inay ka shaqeeyaan dalka taasi oo sababtay gooni isutaaga
Somaliland iyo xornimada aynu maanta hadhsanayno inkastoo naf iyo maal badani ku baxay.
Hadaba su,aasha la isweeydiinayaa waxay tahay Baarlmanku muxuu ka qaban karaa, isla markaasna ma oofindoonaan balamahoogii
ahaa inay xukuumada hogaan adag kaga qabandoonaan ku durdurinta xuquuqda muwaadinka. Baarlamanku ha ogaado in
indhahii shacbiga oo dhami soo eegayaan oo rajoweyn lagaqabo. Waad ogtahiin sidii ay dadku idiinku riyaaqeen markii la idin
dhaariyey ee lawada yidhi maanta uun baynu dowlad buuxda oo kala danbayn yeelata noqonay.
Waxa meelahaas laga maqlaa barlamanku wuxuu u yeedhay oo ay arintan kala kulmeen hayada Care International. Waxaanu odhanlahayn
u dhaadhaca halkay sartu ka qudhuntay oo ah xukuumada ugu horeyn wasaarada Qorsheynta, inaad ogolaataan maaha in nin wasiir
ahi uu siduu doono awooda wasiirnimo u isticmaalo, awoodiisa dastuurbaa xadidaya. Waa inuu baarlamanku u yeedhaa oo
wax laga weeydiiyaa sababaha ku keliftay arintaasi, ka dibna ay madaxweynaha u soo jeediyaan in si degdeg ah xilka uu uga
qaado, Hadii uu madaxweynahu arintaas ku gacansaydhana inay isaga laftiisa baarlamanka uga yeedhaan sababtoo ah wixii ay wasiiradu
xumaan iyo wanaag sameeyaanba isaga iska leh, hadii uu wax ka qaban waayana barlamanku xaqbuu u leeyahay inay Madaxweynaha
ku ciqaabaan wuxuu sameeyay wasiirkiisu.
Baarlamanku waa tijaabadiisii koowaad ee dadku ka filayay inay wax ka qaban doonaan arimaha bulshada iyo xuquuqda muwaadinka,
Baarlamanku imtixaankan horyaala ee aanay iska indho tiri karin sidey ka yeelaan uunbaa ka turjumidoonta rajada lagaqabo
waxqabakooda 5ta sano ee la doortay. Mudanyaal ha noqonin kud ka qax oo qanjo u guur ee dadkankini wax qabadbay idinka sugayaan.
Waxaan ku soo gunaanadnay hees qiimo iyo macno badan leh oo nuxurka ay xambaarantahayna si fudud loo wada fahmi karo
oo ay fanaaniinta qaranku xafaladahii soo dhoweeynta baarlamanka ay ugu heeseen oo ahayd.
Ama waxaydun noqon Alla doorigii lagu iishayee adhaxda lagaga jabay, Ama ubadsanoo ifka aayiyo intifaaca ka taga.
Heestani waxay ka turjumaysaa siduu noqondoono waxqabadkiinu sidaas darteedna labaadaas mid uunbaad ku sifoobidoontaa
hadii ilaahay yidhaahdo waxaanuna ilaahay diinka baryaynaa inaad noqotaan kuwa ku sifooba sida san oo ah ubadsanoo ifka aayiyo
intifaac ka taga taariikhdaana xusidoonta. Long Live Somaliland
Guled Cabdi Sheekhaash - Gudoomiyaha SDWO
Axmed Maxamed Yusuf - Gudoomiye ku xigeenka SDWO
Mukhtar Axmed Sh. Adan - Xoghayaha guud ee SDWO